Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaan gaashaan ayaa goor dhaw soo af jaray Weerarkii habeenimadii xalay lagu qaaday Maqaaxi ku taalla Xeebta Liido.
Inta uu howlgalku socday Ciidamada NISA ayaa gacanta ku dhigay Horjoogihii hogaaminaayay weerarkii dagaalyahaanadii ka dhex dagaalamaayay dhismaha maqaaxida.
Ninka la qabtay ayaa wararku sheegayaa inuu yahay nin “muhiim” ah, oo loo baadigoobayay weerar hore oo lagu qaaday hotel ku yaalla magaalada Muqdisho.
Dagaalyahaanada weerarka qaaday ayaa ahaa Lix waxaana ku jiray horjoogihii naftood haligayaashaasi horkacaayay oo iminka u gacan galay NISA.
Afar kamid ah ragga weerarka qaaday ayaa gudaha Maqaaxiga isku qarxiyay, halka midka shanaadna lagu dilay toogasho, sida aan kasoo xiganay Saraakiisha amaanka ee ku howlanaa badbaadinta dadkii ku jiray maqaaxida.
Dhinaca kale, Wasiirka Amniga C/Risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in la soo gabgabeeyay hawlgalkii Liido, waxa uuna Wasiirku tilmaamay in gudaha Maqaaxida sidoo kale lagu dhexqabtay rag kale oo looga shakisan yahay inay kor ka hagayeen naftood haligayaasha.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

