25.9 C
Mogadishu
Friday, November 28, 2025

Liyu Police oo dagaal ku billaabay Shariif Xasan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno dhanka Deegaanka Aato ee Gobolka Bakool, ayaa sheegaya in halkaasi ay gudaha u galeen ciidamo ka tirsan Liyuu Police ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Ciidamadaani ayaa guryo halkaasi ku yaalla kala baxay ku dhawaad 25 ruux oo u badan dhalinyaro kuwaasi oo aan la ogeyn ujeedka laga lahaa xarigooda.

Xildhiban Dubad Max’ed Dhaqane oo kamid ah Xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia ayaa sheegay in dadkaasi la xiray ay yihiin kuwo taageero u ahaa maamulka Koonfur galbeed ee Somalia.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay inay aad uga xunyihiin in Ciidamo taabacsan Dowlada Ethiopia ay xiraan shacab taageero u ah maamulka Koonfur galbeed, waxa uuna farta ku goday in qorshaha lagu xiray ay wateen shaqsiyaad ka tirsan maamulka Bakool Sare ee dhawaan ay dhisteen Beesha Ogaaden, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale, waxa uu ka digay in khilaafka ka dhexeeya maamulka Koonfur galbeed iyo Bakool Sare uu saameyn ku yeesha dadka shacabka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News