26.6 C
Mogadishu
Saturday, May 23, 2026

Puntland oo dib u billowday xiisaddii G/MUDUG

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wasaarada maamulka Puntland ayaa amar ka dhan ah Galmudug kusoo rogtay ganacsatada deegaanada Maamulka Galmudug, kadib markii wasaarada ay shaacisay in badeeco aan laga dajin dekadaha Puntland aan la gaarsiin karin magaalooyinka Puntland.

Cali Jaamac Gaashaan oo ah agaasimaha waaxda canshuuraha ee Puntland ayaa sheegay in maamulkooda uusan ogolaan doonin in deegaanada Puntland la geyn raashiin aan laga dajin dekadaha magaalooyinka Puntland, sida uu hadalka u dhigay.

Arintaasi ayuu fariin dadban ugu dirayay maamulka Galmudug maadaama dhawaan maamulkaasi uu dhagax dhigay dekada magaalada Hobyo ee gobolka Mudug, Dhagax dhigaasi oo uu ka qeyb galay wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya.

Waxaa uu intaa ku daray in ay go’aan ka qaateen oo Wasaaradda Maaliyadda,arrimaha gudaha iyo manigaba ay go’aan hore ka soo saareen laakiin aysan wali  joogsan,waxana uu sheegay in ay si deg deg ah wax uga qaban doonaan.

Dhanka kale waxaa uu Hya’adaha qandaraas qaatayaasha ah ku dhaliilay in ay qandaraas qaadayanaan iyaga oo aan awood u lahayn taas oo uu sheegay in  saameyn taban ku yeelatay ganacsatada kale,iyagana ay sharci ka soo saarayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News