26.6 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Michael Keating oo shaaciyay mowqifka beesha caalamka ee ku aadan muranka 4.5, una digay…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating oo ku sugan magaalada Baydhaba ayaa halkaasi kula hadlay Bahda Saxaafada isaga oo shaaca ka qaaday waxyaabaha la gudboon Beesha Caalamka.

Michael Keating ayaa sheegay in wali Beesha Caalamka aysan ka khuusan dadaalka ay ugu jirto hirgalinta Nidaam lagu wada qanacsan yahay oo sahli kara Doorasho loo siman yahay oo ka dhacda Somalia.

Keating waxa uu Saxaafada u sheegay in Adduunka oo idil uu la yaaban yahay ficiltanka u dhexeeya Madaxda Soomaalida, balse waxa uu cadeeyay in Beesha Caalamka ay adeegsan doonto awoodo marba hadii ay isku soo dhaweyn weyso Madaxda dalka.

Keating wuxuu sheegay inuu ka warhayo in madaxda Soomaalida ay ku kala aragti duwan yihiin qaabka loo soo xulayo baarlamaanka imaanaya dhamaadka sanadkaan, waxaana arinta la isku hayo ay tahay qaabka lagu xulayo aqalka hoose iyo aqalka sare ee baarlamaanka.

Keating oo sii watay hadalkiisa ayaa sheegay in Beesha Caalamka kaliya ay u muuqato inay taageerto Dowlada Somalia, waxa uuna tilmaamay in marnaba aysan suuragaleynin inay taageeran Maamul Goboleedyo aan u hogaansameynin heshiisyada ay wado Beesha Caalamka.

Keating waxa uu sidoo kale sheegay in Mowqifka Beesha Caalamka uu yahay in dowlada Somalia ay ku taageeran go’aankii ay gaartay ee ahaa nidaamka soo xulista Baarlamaanka u dhaceyso, balse iyaga aysan dooneyn in Soomaalida ka dhaadhicyaan qaabka doorashada u dhaceyso.

Nuqul kamid ah hadalka Keating ayaa ahaa “Dabcan waxaa jiro kala duwanaansho ku aadan qaabka doorashada ee sanadkaan, waxaana jira aragtiyo kala duwan oo ku saleysan haddii ay ahaan laheyd aqalka sare ama aqalka hoose, laakiin waxaan cadeynayaa nidaamka doorashada ma ahan mid caalamka uu wato ee Soomaalida ayaa iska leh, kaliya waxaan nahay dad taageeraya go’aanka dowladda Soomaaliya, kaasi oo aan aamisanahay inuu muhiim u yahay dhinaca amaanka iyo waajibka dowlada Soomaalida oo ah iney horey usii waddo horumarka dhinaca amaanka”

Dhanka kale, Keating waxa uu ku baaqay in maamulada dalka ay kusoo feelan Dowlada Somalia, haddii taasi la waayana ay Beesha Caalamku si cad u taageeri doonto Dowlada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News