Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii wuxuu kusoo idlaaday buuq iyo sawaxan ay sameeyeen qaar kamid ah xildhibaanada.
Xildhibaanada ayaa ka carooday kadib markii baarlamaanka ay hor imaan waayeen wasiirka amniga xukuumada Soomaaliya iyo taliyaha hay’ada nabad sugidda qaranka Soomaaliya.
Qaar kamid ah xildhibaanada oo warbaahinta la hadlay iyaga oo careysan ayaa sheegay in markale kulan toos ah uu baarlamaanka ka dhici doonin ilaa baarlamaanka hor yimaadaan Tuuryare iyo Wasiir C/risaaq.
Wasiirka amniga xukuumada Soomaaliya iyo taliyaha nabad sugida qaranka ayaa maanta la filayay iney hortagaan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya si su’aalo looga weydiiyo arimaha la xiriira xasaanada xildhibaanada.
Xildhibaanada baarlamaanka ayaa su’aalo ceynkaan oo kale ah horey u weydiiyay wasiirka amniga qaranka xukuumada Soomaaliya, isaga oo cadeeyay ineysan jirin cid amartay in xildhibaanada baaritaan lagu sameeyo.
Xildhibaanada ayaa si cad u sheegay ineysan kulan dambe yeelan doonin ilaa baarlamaanka ka hor yimaadaan wasiirka amniga iyo taliyaha nabad sugida.
Xidlhibaanada ayaa taliyaha nabad sugida ku heysta amar uu siiyay shaqaalaha dhanka baaritaanka, isaga oo kasoo muuqday muuqaal laga soo duubay oo uu amar buuxa ku siinayo laamaha amaanka iney shaqsi kaastaa baaritaan ku sameeyaan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

