32.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

R/W CCC oo lagu xanibay garoonka NAIROBI..!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dhanka Xafiiska Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid, ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaruhu uu iminka ku xayiran yahay Garoonka Diyaaradaha Joma Kenyatta ee dalka Kenya.

Ra’isul wasaaraha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Joma Kenyatta ku wehlinaaya Xubno ka kala tirsan labada Gole ee DFS, waxaana lasoo warinayaa in Dowlada Kenya ay is hortaagtay in Wafdiga ay gudaha u galaan dalka Kenya.

Wafdiga Ra’isul wasaaraha oo ilaa iminka ku xaniban Garoonka Joma Kenyatta, ayaa waxa ay Dowlada Kenya ku wargalisay inaysan sugi karin amaankooda sidaa aawgeedna ay kusii jiraan Garoonka inta looga helaayo xal.

Wafdiga ayaa markiisa hore kusii jeeday Dalka Turkiga, waxaana dib u dhac ku imaaday Safarkooda balse waxa uu u jeedkoodu ahaa in wakhtiga ka harsan safarkooda ay kulamo lasii qaatan Madaxda Kenya, hayeeshee arrintaasi ay wafdiga ku noqotay bahdil.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Wafdiga la socda oo Xildhibaano u badan ayaa ku siijeeday Wadanka Turkiga oo 23-ka Bishaan uu ka furmayo Shir looga hadlayo Xaaladda Soomaaliya.

Geesta kale, Dowlada Kenya wali kama aysan hadlin Xanibaada lagu sameeyay Wafdiga uu Ra’isul Wasaaraha Somalia Hogaaminaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News