29.9 C
Mogadishu
Sunday, May 3, 2026

Xog: Fiqi oo shacabka u sheegay sir ku aadan…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo wali ay Somalia ku fog tahay Laaluushka iyo Nin jecleysiga ayaa waxaa arrimahaasi ka hadlay Taliyihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Somalia Axmed Macalin Fiqi.

Axmed Fiqi ayaa sheegay in Somalia uusan ka jirin wax isla xisaabtan ah, waxa uuna cadeeyay in danbiilayaal badan oo falal Qaraxyo maleegay aysan wali Dowladu maxkamad soo taagin taasina ay u muuqaneyso in meesha aysan ka marneyn bixinta waxyaabo aan sharciga qabin.

Axmed Fiqi waxa uu tusaale usoo qaatay xili uu la hadlaayay Idaacadda KNN ee magaalada Muqdisho weerarkii ka dhacay Centeral ee magaalada Muqdisho.

Fiqi waxa uu tibaaxay in wax waliba ay la socdaan islamarkaana ay mudan tahay in Dowladu ay cadaalada u horseedo Umadda Soomaaliyeed, isaga oo cadeeyay in ragii u xirnaa weerarka Centeral aysan Dowladu wali soo taagin maxkamad.

Waxa uu shaki galiyay in ragga weerarka Hotel Centeral fududeeyay ay xiligaani ku jiraan xabsi isaga oo carab dhabay in xaalada taagan ay horseed u tahay qaadashada laaluushka iyo in wax waliba lagu soo afmeero nin jecleysi oo cid waliba aan loo qaban danbiga uu galaayo.

Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in aan Cidna loo Maxkamadeyn Weerarkii ka dhacay Hotelka Centeral,iyadoo la og yahay Ciddii Weerarkaasi ka dambeysay.

Waxa uu tilmaamay in maalin waliba la xukumo dad u xiran fal danbiyeedyo fudud balse aysan wali arag iyada oo la maxkamadeynaayo dadka hogaanka u hayo falalka la xiriira Qaraxyada.

Waxa uu muujiyay in Somalia aysan ka jirin wax cadaalad ah, waxa uuna cadaalada hadda jirta ku sifeeyay mid gacan ku rimis ah oo aan ku taagneyn wadadii loogu tallo galay, balse loo baahan yahay in waxbadan leysla arko si wixii qarsoon banaanka loo soo dhigo.

Haddalka Axmed Fiqi waxa uu imaanayaa iyadoo Xabsiyada Dowlada lagu kala iibsado maxaabiista, waxaana xusid mudan in rag ka danbeeyay fududeynta weerar lagu dhamaaday iyo dilal qorsheysan aan ilaa hadda lasoo taagin wax Maxkamad ah, halka dad aan danbi galina dusha laga saaro danbiyo kala duwan, sidaana lagu toogto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News