Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa si kulul kaga jawaabay qoraalkii kasoo baxay waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya ee ahaa in laga laabtay go’aankii lagu joojin lahaa duulimaadyadii aadi jiray deegaanada Somaliland.
Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in go’aankaasi uu yahay mid u wanaagsan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, wuxuuna cadeeyay in go’aankaasi uuba saameyn deegaanada Somaliland.
Maalintii shalay waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha ayaa soo saartay qoraalka ay ku cadeysay in dowlada Soomaaliya ka laabatay go’aan horey usoo baxay oo maanta dhaqan geli lahaa, balse khilaafkii jiray la xaliyay.
Gudoomiyaha xisbiga UCID wuxuu sheegay in markii horaba go’aankaasi lagu qaldamay maadaama sida uu sheegay shacabka Soomaaliyeed aysan u adkeysan karin dhibaatada go’aankaasi ka dhalan kara.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in si hoose loo xaliyay khilaafkii ka dhashay dhanka duulimaadyada, waxaase dowlada ay ka gaabisay in si cad loo sheego qaabka loo xaliyay khilaafka dowlada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

