27.2 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Xog: Xasan oo ku guuleystay qorshe qarsoodi ahaa oo uu ku dhex watay socdaalkiisa Istanbul

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida hore Caasimada Online u baahisay madaxweyne Xasan Sheikh iyo ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali ayaa safarkooda Turkiga waxaa ku hoos qorsoon sanaa qorshe gaar ah oo ay kula kulmayaan masuuliyiin ka tirsan Shirkada Turkish Airline.

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa soo bandhigay bartiisa Facebook kulan gaar ah oo dhexmaray madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo masuul ka tirsan shirkada Turkish Airline.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan gaar ah la qaatay gudoomiyaha gudiga fulinta ee shirkada Duulimaadyada dalka Turkiga, waxayna ka hadleen arimo dhowr ah oo ku saabsan duulimaadyada Turkish Airline ku timaado magaalada Muqdisho.

Kulanka oo muddo socday ayaa u dhaxeeyay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo  Temel Kotil oo ah gudoomiyaha gudiga fulinta ee shirkada Turkish Airline.

Waxyaabaha ay diirada ku saareen kulankooda ayaa waxaa kamid ah sidii Turkish Airline u xoojin laheyd duulimaadyada ay ku timaado dalka Soomaaliya ayna u kordhin laheyd xiriirka kala dhaxeeyo dowlada Soomaaliya.

Shirkada Turkish Airline ayaa horaantii bishan February sheegtay iney hakad gelisay duulimaadyadii ay Muqdisho ku imaaneysay sabab la xiriirta hawada Soomaaliya oo aan wanaagsaneyn, wallow markii dambe ay dib u bilowday duulimaadyadeedii.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News