29.9 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Xildhibaanada BF oo weerar ku qaaday Tuuryare

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo kulan amniga looga hadlayay ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa si adag kaga hadlay go’aankii dhawaan saxaafada uu siiyay taliyaha hayada NISA C/raxmaan Tuuryare.

Xildhibaanada oo kulankooda uu ka qeyb galay hogaanka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay sheegeen in marnaba xiligan amniga caasimada lagu wareejin karin duqa Muqdisho.

Hayadaha amaanka ayay sheegeen xildhibaanada baarlamaanka iney ku fashilmeen sugida amaanka caasimada, ayna doonayaan iney sii dhacaan weeraro kale oo ka xun kuwii hore.

Khadiijo Maxamed Diiriye oo kamid ah xubnaha baarlamaanka ayaa sheegay in amni daradii horey u dhacday ay ku timid dayac ay sameeyeen hayadaha amaanka dowlada Soomaaliya.

Sidoo kale waxay sheegtay in taliyaha nabad sugida Soomaaliya uusan awood u laheyn inuu xiligan wareejiyo amaanka caasimada Soomaaliya.

“Waxaan ka xumahay amni darada soo korortay,  iyo dayaca badan oo sababay iney dad badan ku dhintaan, taasi ayaa keentay in hadalo ay kasoo dhex baxeen, waad la socoteen in amniga Muqdisho lau wareejiyay duqa Muqdisho, awoodaas halkuu ka keenay taliyaha nabad sugida ma hogaanbaa” ayay tiri xildhibaan Khadiijo.

Xildhibaanada ayaa hadalkaan jeediyay kadib markii dood dhanka amaanka ah xildhibaanada ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News