Muqdisho (Caasimada Online) – Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Faadumo Dikootar, ayaa waxaa reerkeeda u tacsiyeeyay dadkii asxaabta la ahaa kadib markii magaalada Baydhaba la galiyay in Faadumo ay ku geeriyootay weeraradii ismiidaaminta ahaa.
Faadumo Dikootar oo laga waayay goobtii ay ku ganacsaneysay oo aheyd halka uu gaariga isku miidaamiyay, ayaa waxaa qoyskeeda tacsi u aaday dadkii la shaqeyn jiray oo sheegay inay arkayeen Faadumo Dikootar oo meyd ah, hayeeshee Faadumo ay aheyd kaliya qof uu soo gaaray dhaawac fudud oo wajiga iyo gacanta ah.
Dhowr saac kadib goortii ay qoyska Faadumo Dikootar aaminsan yihiin in gabadhooda ay ku geeriyootay weerarka islamarkaana qoyskeeda ay ku howlanaayen tacsi ayaa waxaa mar qura iridka gurigaasi laga galshay Faadumo Dikootar oo ay garbaha kawadaan laba ruux oo ay saaxiibo ahaayen kuwaasi oo sheegay in isbitaal ay kasoo saaren Faadumo Dikootar iyaga oo shoogsan oo aan awoodin inay hadasho.
Dhacdadaani ayaa waxa ay amakak ku noqotay qoyskii ku howlanaa tacsida Faadumo Dikootar iyo dadkii saaxiibada la ahaa oo reerka u tacsiyeynaayay.
Magaalada Baydhabo ayaa waxaa iminka si aad ah looga hadal hayaa Geerida nolosha isku bedeshay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

