Muqdisho (Caasimada online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa ka hadlay dagaalkii ka dhacay magaalada Dhuusomareeb ee sababay dhimashada iyo dhaawaca badan ee dhinacyadii dagaalamay.
C.qeybdiid wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in bulshada ku nool gobolka Galgaduud kor kooda markale lagu dagaalamo, isaga oo sheegay in dagaalka ay ka dambeeyaan gacmo siyaasad ku hoos duugan tahay.
Qeybdiid ayaa sheegaya in dagaalka Dhuusa Mareeb ay ka dambeyaan gacmo kale isagoona ugu baaqay dhinacyada halkaasi ku dagaalamay iney xal buuxa ka gaaraan dagaalka iyo waxa sababay ayna wadahadal ku dhameeyaan xiisadaha.
Ahlu sunna ayaa ku eedeysay dowlada Soomaaliya iney ka dambeysay dagaalka gaar ahaan ciidamada ku sugan xerada 21 ee duleedka magaalada Dhuusomareeb.
Sidoo kale Galmudug ayaa lagu eedeeyay iney dagaalka ku lug laheyd, waxaana dagaalkaasi ku lug lahaa arimo siyaasadeed, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan maamulka Ahlu sunna.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

