27.7 C
Mogadishu
Thursday, May 14, 2026

Jeesow oo been aan laga fileyn u sheegay dadka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalmihii ugu danbeeyay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Somalia ay ka dhacayeen Qaraxyo aan noocooda horay loo arag, ayaa waxaa dhibaatadaasi dafiray Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga arimaha gudaha iyo amniga ee BFS Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow.

Jeesow ayaa si cad u beeniyay in amni darro xiligaani ay ka jirto magaalada Muqdisho, waxa uuna sheegay in Laamaha amniga ay si hufan u gutaan waajibaadkooda, islamarkaana amniga uu yahay mid soo kabanaayo.

Xildhibaanka waxa uu sheegay in Wasaarada amniga iyo Taliska Nabadsugida Qaranka ay isbedel muuqda la imaaden islamarkaana ay waxbadan ka badaleen amni daradii ka taagneyd magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa hoosta ka xariiqay in Ciidamada Nabad Sugidda ay ka hortageen weeraro kala duwan oo la doonayay in laga fuliyo qeybo ka mid ah Caasimada dalka bilihii ugu danbeeyay.

Jeesow ayaa difaacida laamaha amaanka usoo qaatay weerarkii dhawaan ka dhacay Nawaaxiga Hoteelka SYL, waxa uuna sheegay in Askarta ku dhamaatay weerarkaasi ay dhamaantooda ahaayen kuwa Nabadsugida, isagoona taasi ku sifeeyay sida ay Hay’adda Nabad Sugida isugu howleyso xaqiijinta amaanka Magaalada Muqdisho.

Waxa uu dhaliilay in Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somalia ay u xuub siibanayaan xil ka qaadis lagu sameeyo Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Nabadsugida.

Dhanka kale, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa qaba in Xildhibaan Jeesow afka loo buuxiyay, balse aysan la xisaabtankooda u hakin doonin hadalkiisa, iyaga oo sheegay in Jeesow uu yahay ninka ugu dhaliisha badan, iminkana aysan garaneynin sababta uu fashilka amniga u beeninaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News