29.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Dhaawicii Madaxweyne oo loola cararay dibeda?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in maamulka Ahlusuna ay goordhow magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia u qaaden dhaawicii Liibaan Madaxweyne oo maalmo un ka hor gacantooda galay.

Qaadista dhaawaca Sargaalka lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne ayaa yimid kadib markii la sheegay in dhaawiciisa uu sii darsaday, islamarkaana ay Ahlusuna wax ka qaban weysay dhaawiciisa.

Dhaawaca Liibaan ayaa waxaa halkaasi ka raacay Saraakiil ka tirsan Dowlada Ethiopia iyo kuwo taabacsan Ahlusuna, waxaana lagu wadaa in Liibaan caafimaadkiisa kadib ay dib ula soo wareegto Ahlusuna.

Dhanka kale, dhaawaca soo gaaray Liibaan ayaa yimid kadib markii isaga iyo Ciidamo uu watay ay weerar culus ku qaaden Saldhigyo ay Ahlusunna ku lahaayeen magaaladaasi balse ugu dambeyn Ahlusunna ayaa gacanta ku dhigtay sarkaalkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News