29.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Taliyeyaal ka tirsan NISA oo goordhow is toogtay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Degmada Cadalle ee gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in toogasho lagu dilay Taliyaha Nabad sugida Degmadasi, iyadoo sidoo kale toogasho taa lamid ah isna lagu dilay ku-xigeenkiisa.

Toogashada ayaa la sheegayaa in marka hore lagu dilay Taliyaha Degmada, iyadoo sidoo kale ay Ciidamada Degmada qabteen ku-xigeenkiisa sidaana ay ku dileen.

Taliyaha iyo ku-xigeenkiisa ayaa waxaa ka dhexeeyay Khilaaf soo dadajiyay dilka, waxaana lasoo warinayaa in marka hore uu dilka geystay Taliye ku-xigeenka kadibna ay Ciidamadu dileen Ku-xigeenka oo ahaa midka dilka geystay.

Taliyaha iyo ku xigeenkiisa ayaa isku qabtay lacago canshuur ah oo laga qaaday gaadiidka isticmaala Degmada Cadalle.

Si rasmi ah looma oga sababta ka danbeysay Khilaafkooda markii laga soo tago sida aan xogta ku helnay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News