Muqdisho (Caasimada Online)- Xasan Sheikh Maxamuud ayaa talooyin cusub kusoo siiyay xubnaha dowlada Soomaaliya ka tirsan gaar ahaan wasiirada xukuumada Soomaaliya kadib markii la ogaaday iney qalqal geliyaan shacabka Muqdisho.
Xasan Sheikh wuxuu sheegay in wasiirada iyo xubnaha kale ee dowlada Soomaaliya ay leeyihiin ciidamo badan oo ilaalo u ah iyo hub badan taasi oo qalqal gelisa shacabka magaalada Muqdisho marka ay marayaan waddooyinka caasimada Soomaaliya.
Wuxuu ku amray xildhibaanada, wasiirada iyo hayadaha gaar ka ah iney dhimaan ciidamada iyo hubka badan ee magaalada ay ku wataan si amaanka caasimada loo xaqiijiyo.
Isaga oo ka hadlayay kulan amaanka looga hadlayay ayuu sheegay in dowlada dhankeeda laga doonayo iney ka qeyb qaadato xaqiijinta amaanka sidaasi daraadeed wasiirada iyo xildhibaanada qaar ay yareeyaan ilaalada iyo hubka ay heystaan.
Arinta ciidamada badan ayuu sheegay iney tahay mid aragagax cusub gelin karta shacabka magaalada Muqdisho marka ay arkaan gaadiid badan iyo hub badan oo lagu ilaalinayo wasiirada iyo xubnaha kale ee dowlada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

