Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalinimadii shalay dhaawaca Liibaan Madaxweyne la geeyay Garoonka macmalka ee Diyaaradaha ku yaalla deegaanka Feer Feer ayaa waxaa qaaditaanka dhaawacaasi is hortaag ku sameeyay Dowlada Somalia oo xiriir degdeg ah la sameysay Dowlada Ethiopia.
Maamulka Ahlusuna ayaa sheegay in goortii ay dhaawaca Liibaan Madaxweyne geeyen Garoonka islamarkaana ay taagan tahay Diyaaradii lagu qaadi lahaa dhaawaca Liibaan ay Dowlada Ethiopia amar ku bixisay in la hakiyo qaaditaanka Dhaawaca Liibaan.
Mursal Maxamed Yuusuf Xeefow oo ah Afhayeenka Maamulka Gobolada Dhexe, ayaa sheegay in qaaditaanka dhaawaca Liibaan Madaxweyne ay hor istaagtay Dowlada Somalia oo Dowlada Ethiopia ka dalbatay in dhaawaca Liibaan ay kusoo wareejiso.
Afhayeenka oo arrintaani ka hadlaayay ayaa yiri “Ahlusuna ayaa Dowladda Ethiopia ka codsaday dhaawaca Liibaan in loo qaado Magaalada Addis Ababa, wayna naga aqbashay. Waxaana laga qaaday Dhuusamareeb oo waxaa la geeyay Feer Feer, si ay uga qaado diyaaraddii gayn lahaa Addis Ababa.”
Waxa uu intaa kusii daray hadalkiisa ”Dowladda Somalia ay Ethiopia ka dalbatay in lagu soo wareejiyo Liibaan Madaxweyne, sababo ku aadan iyadoo ku eedeysay inuu yahay dembiile qaran”
”Dowladu waxa ay amar ku bixisay inaan dhaawacaasi loo qaadi karin magaalada Addis Ababa, Dowladana loo soo gacangeliyo. Waxay leeyihiin waa nin dembiile qaran ah, maaha in Addis Ababa loo qaado, waa in Xamar la keennaa.”
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in iminka dhaawaca Liibaan uu ku jiro Gacanta Ciidamada Ethiopia islamarkaana la filaayo in lagu soo wareejin doono Dowlada Somalia.
Geesta kale, waxaa jiro warar kaasi khilaafsan oo sheegaya in dhaawaca Liibaan uu ku jiro gacanta Ahlusuna balse ay Dowlada Ethiopia wado dadaal ay dhaawacaasi kusoo gaarsiin doonto magaalada Muqdisho.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA






