24 C
Mogadishu
Monday, February 9, 2026

Boorsaani oo ciil aawgii u diiday inuu la kulmo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Jimcaale ”Boorsaani”, ayaa diiday inuu la kulmo maamulka Isbitaalka Digfeer, kadib markii maalin ka hor loo diiday inuu galo Isbitaalkaasi si uu usoo booqdo dhaawacyada laga keenay magaalada Baydhabo.

Guddoomiye Boorsaani ayaa la sheegayaa in ilaaladiisa uu ku amray inaan loo soo deynkarin maamulka Isbitaalka isaga oo la kulankooda shuruud ka dhigay cadeynta sababta loogu diiday galida Isbitaalka.

Boorsaani ayaa sidoo kale, la sheegayaa in maamulka Isbitaalka uu u diray fariin ah in gabi ahaan albaabada loo laabi doono waa haddii mar danbe ay dhagihiisa kusoo dhacaan in galitaanka Isbitaalka loo diiday mas’uul ka tirsan Dowlada amaba muwaadin u socda bukaan ku jira isbitaalka.

Sidoo kale, Guddoomiye Boorsaani ayaa sababta diidmadiisa ku aadan la kulanka maamulka Isbitaalka ku sheegay in mudada uu joogay iridka isbitaalka la sameeyay xiriir, hayeeshee si kutala gal ah aysan teleefoonka uga qaban, taasi oo dhalisay shaki hor leh.

Dhanka kale, waxaa wali Xabsiga jilacow ee magaalada Muqdisho ku xiran ilaalada Isbitaalka kuwaasi oo wax laga weydiinaayo sababta ay Boorsaani ugu diideen booqashadiisa Bukaanada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News