29.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Odawaa oo ku fadeexoobay Odayaasha beesha..

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dhanka magaalada Beledweyne ee Xarunta maamulka Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in Wafdigii uu Hogaaminaayay Wasiirka arrimaha gudaha Somalia C/raxmaan Odawaa ay caqabado hor leh durbadiiba kala kulmeen Odayaasha Hiiraan.

Wasiir Odawaa oo dalbaday inuu la kulmo Ugaaska Beesha Xawaadle, ayaa waxaa lasoo sheegayaa in Ugaaska uu ku gacanseeray la kulanka Odawaa iyo Wafdigiisa.

Ugaaska ayaa sheegay in shaqsi ahaantiisa aysan u muuqan waji uu kula kulmi karo Odawaa, waxa uuna Ugaasku cadeeyay in kulan uu iminka la qaato Wasiirka uusan wax ka bedeli karin mushkilada taagan.

Ugaaska Beesha Xawaadle ayaa Wasiir Odawaa ku wargaliyay in shaqsi ahaantiisa ay ku adagtahay in arrimaha shirka Jowhar uu kala hadlo, waxa uuna dalbaday in Xassan Sheekh iyo Ra’isul wasaare Sharmaarke ay u furan tahay in arrinkaasi ay kala hadlaan.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in sidoo kale Odayaasha Hiiraan, ay ku gacanseeren inay la kulmaan Odawaa oo ay u aqoonsadeen inuu yahay qaswade caqabad ku ah guulaha laga filaayay shirka Jowhar.

Waxaa jira warar kaasi ka duwan oo sheegaya in iminka uu socdo wada xaajood lagu kulansiinaayo Odawaa iyo Wafdigiisa oo dhinac ah iyo Odayaasha Gobolka Hiiraan oo ka didsan Siyaasada DFS, gaar ahaan tan Wasaarada arrimaha gudaha.

Ma cada sida uu arrinku noqon doono, waxaase la filayaa in maanta leysku soo dhaweeyo dhinacyada Dowlada ka socda iyo Odayaasha Hiiraan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News