Beledweyne (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay warar soo baxayay oo sheegaya in gobolka Hiiraan loo diiday ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.
Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay ineysan jirin cid ra’iisul wasaaraha dalka u diiday inuu tago magaalada Beledweyne, balse ay jiraan howlo culus oo ra’iisul wasaaraha soo foodsaaray oo baajisay safarka uu ku tagi lahaa magaalada Beledweyne.
Afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan Xasan Kaafi Maxamed ayaa si cad u sheegay in maamulkooda uusan ka warheyn meel ra’iisul wasaaraha dalka loo diiday inuu tago magaalada.
Magaalada Baledweyne ayaa waxaa ku sugan Wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaan Odawaa,kaas oo kulamo la qaadanaya wali Odayaasha niyo Waxgaradka Gobolka Hiiraan.
Sidoo kale Waxgaradka ku nool Gobolka Hiiraan ayaa wali diidan ka qeyb galka Shirka Maamulka loogu sameynayo Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ee Madaxweynahu uu ka furay Magaalada Jowhar.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaar kamid ah beelaha daga gobolka Hiiraan ay diideen in wafdi dowlada ka socdo ay tagaan gobolka Hiiraan iyada oo aan lagu qancin ka qeyb galka shirka.
Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
[email protected]

