Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Qaraxii laptobka loo adeegsaday ee dhawaan ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan gaar ahaan garoonka diyaaradaha Magaaladaasi.
Qaraxa oo loo qabtay inkabadan 7 ruux, ayaa waxaa lasoo sheegayaa inuu ku jiro Sarkaal ka tirsan Hay’adda CRD.
Sargaalkaani oo lagu magacaabo Eng Xassan C/llahi Xusein, ayaa waxaa lasoo warinayaa inuu hormuud u ahaa abaabulka Qaraxa, waxaana jira warar sheegaya in laptobka Qaraxa lagu diyaariyay uu isaga lahaa.
Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Sargaalkaasi lagu soo wareejiyay gacanta Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia waxaana laga soo dajiyay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Sarkaalkaan lagu magacaabo Eng Xassan C/llahi Xusein kana tirsan hay’adda CRD ayaa loo heystaa in uu isagu lahaa Computer-ka qarxay, waxaana jira warar sheegaya inuu qirtay in kaalin buuxda uu ka qaatay Qaraxa.
Si kastaba ha ahaate waxaa Sargaalkaasi lala soo wareejiyay ilaa Seddex xubnood oo iyaguna lala xiriirinaayo Qaraxa ka dhacay Garoonka Beledweyne.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

