30.9 C
Mogadishu
Thursday, May 28, 2026

Xog ka cusub dagaalka Somaliland iyo Jabuuti.!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dagaal uu dhexmaray ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland iyo kuwa dowlada Jabuuti, kaasi oo sababay dhimashada hal askari iyo dhaawaca labo kale.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu dhexmaray ciidamada badda maamulka Siilaanyo iyo ciidamada badda dowlada Ismaaciil Cumar geele, waxaana ka dhashay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca.

Warbaahinta deegaanada Somaliland ayaa maanta daabacaya wararka la xiriira dagaalka, waxaana ay sheegayaan in dagaalka uu ka dambeeyay markii ciidamada Jabuuti ay weerareen  markab ay la socdeen ciidamada Somaliland.

Shan doomood oo ay leeyihiin ciidamada badda Jabuuti ayaa la sheegay iney weerar ku qaadeen markab laga leeyahay dalka Masar oo ay saarnaayeen ciidamada Somaliland maadaama xeebaha Soomaaliya uu markabka ku sugnaa.

Askariga ku dhintay weerarka ayaa magaciisa lagu sheegay Dheeg Cali Cismaan waxaana ku dhaawacmay labo kale oo ciidamada Somaliland kamid ah.

Saraakiisha Somaliland ee dhanka Badda ayaa sheegaya in ciidamada Jabuuti ay kaxeysteen markab iyo askari ka tirsanaa Somaliland.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowlada Jabuuti.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News