27.2 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Maleeshiyada Suuj oo farsamo cusub billaabay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Saraakiisha maamulka Puntland ayaa sheegaya in maleeshiyaadka xagjirka ah ee ka dagaalamaaya deegaanka Toga Suuj ee Puntland ay bilaaben inay qafaashaan dadka deegaanka ku dhaqan ee reer Miyiga ah.

Saraakiisha ku sugan Jiida Dagaalka ayaa sheegay inay jiraan dad reer Miyi ah oo ay kooxdaasi qafaasheen isla markaana heystaan, dadkaasi oo ay doonayeen inay wadooyinka tusaan.

Dadka reer Miyiga ah ee wali ku sugnaa Toga Suuj, ayaa Saraakiisha hogaamineysa Ciidamada dagaalka kula jira maleeshiyada u sheegay inay jiraan dad ay kaxeysteen markii goobta soogaareen, balse aysan ogeyn tirada rasmiga ah dadkaasi, dhinaca kale dadkan ayaa sheegaya in maleeshiyaadkan ay ku jiraan Odayaal la sheegay inay u fatwoodan maleeshiyada.

Sidoo kale, Saraakiisha ayaa sheegay in Dagaalkooda uu barbar socdo badbaadinta dadka reer miga ah, kadib markii ay sheegen in dadkaasi ay garan la’ yihiin meel ay ka baxaan.

Farsamadaani cusub oo ay maleeshiyadu bilowday ayaa la sheegayaa inay ku doonayaan inay uga baxaan deegaanada ay hadda ka dagaalamayaan si ay u adeegsadaan reer miiga kala yaqaan dhulka, hayeeshee waxa ay taasi sara qaadeysaa hamiga ay Ciidamada Puntland kusoo afjari lahaayen maleeshiyada gowracatada ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News