XOG: Ethiopia, Masar, Turkiga iyo Qatar yaa ku guuleysan doona doorashada Somalia ee 2016?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhamaadka sanadkaan waxaa la qorsheynayaa iney doorasho ka dhacdo dalka Soomaaliya oo lasoo doorto madaxweynaha qaban lahaa xilka dalka Soomaaliya ilaa sanadka 2020.

Laakiin waxaa xogo cusub ay kasoo baxayaan dowlado badan oo tartan ku jira marka loo eego shaqsiyaadka ay kala wadaan si hogaanka dalba Soomaaliya uu u qabto oo dantooda ay ku gaaraan.

Dowladahaasi ayaa kala ah Turkiga, Qatar, Sacuudiga, Masar iyo Ethiopia waxayna dowlad walbaa ay dooneysaa iney ku guuleysato doorashada sanadkaan dhamaadkiisa ka dhaceyso dalka Soomaaliya.

Dowlad kastaa oo shantaasi dowladood kamid ah waxay dooneysaa iney dhaqaalo iyo juhdi kastaa ku bixiyaa ku guuleysashada shaqsiya ay wateen inuu ku guuleysto doorashooyinka dalka.

Dowladahaasi waxay Somalia ka leeyihiin Danno Siyaasadeed, mid Dhaqaale iyo mid Amni, waxaana taasi ugu wacan iyadoo ay Somalia ku taallo Deegaan Istaraatijiyad u leh Caalamka.

Ethiopia ayaa moodaa iney xiriiro wanaagsan la leedahay dowlada Soomaaliya hogaanka ugu sareeyo iyo dhamaan hogaanada maamul goboleedyada, xitaa Somaliland.

Laakiin waxay dowladaha kale ee Turkiga iyo Sacuudiga ay la ciyaareysaa fikrad aan caadi aheyn oo waxay taageersan yahay dhowr musharax oo midkood ay dooneyso inuu guuleysto.

Masar oo dagaal siyaasadeed xoogan uu kala dhaxeeyo Ethiopia waxay dooneysaa iney dhankeeda hesho siyaasi iyaga ku fikrad ah oo qabta xilka madaxweynaha dalka Soomaaliya.

Dowladda Sacuudiga ayaa waxay iyagana dadaal ugu jiraan sidii aysan Dowladda Iiraan saamayn ugu yeelanin Somalia, waxayna Dowladda Sacuudiga taageero dhaqaale oo abaalmaarin oo cadadeeda lagu sheegay 50 million oo Dollar siiyeen Dowladda Federalka, kadib, markii ay Dowladda Iiraan u jareen xiriirkii Diplomaasiyadeed.

Istaraatijiyadda Dowladda Sacuudiga ayaa ah inay xiriir fiican la yeeshaan Madaxda dalalka Somalia, Jabuuti, Sudan iyo Eritrea, si la isaga mooso Qorshaha Iiraan ee damacooda Dalalka ku teedsan Badda Cas.

Sidoo kale, Dowladda Turkiga oo haatan u muuqata Isbahaysiga Koowaad ee taageera Dowladda Federalka, ayaa ku hawlan inuu Musharax iyaga taageersan ku guuleysto Doorashadda Madaxtinimadda Somalia, si ay u xoojiyaan gacanta ay ku leeyihiin Arrimaha Somalia.

Dowladda Qatar ayaa iyadana weli ku hawlan sidii uu Musharax iyaga taabacsan ugu guuleysan lahaa Dooraashadda Madaxtinimadda Somalia, waxayna Warbaahinadda Caalamka sheegeen inay  Dowladda Qatar dhaqaale xooggan ku bixisay doorashaddii  Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guuleystay Doorashaddii Madaxtinimadda ee dhacday  bishii September 12-dii ee sannadkii 2012-kii.

Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka ayaa iyagana miisaan ku yeelan kara Doorashadda, maadaama ay Xildhibaanadda ku xiran yihiin Dowladdo kale iyo Hay’addo diimeedyo ka jira Dalalka Carabta, illayn inta badan Xildhibaanadda Barlamaanka waaxay salka kula jiraan Ururo-diimeedyo.

Caasimada Online
xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com