Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay ka qeyb galeen saraakiil ciidan laguna sameeyay ciidamo cusub oo Muqdisho ay yeelaneyso ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo uu goobjoog ka ahaa gudoomiyaha gobolka Banaadir Ahna duqa Muqdisho.
Ciidamadaan ayuu howlgalin doonaa maamulka gobolka Banaadir kuwaasi oo si gaar ah kaga hortagayo waxyaabaha maanka dooriya iyo falalka anshax xumada ee lagu sameeyo hoteelada magaalada Muqdisho.
Ciidamadaan ayaa waxaa loogu magac daray la dagaalanka falal anshax xumada ah, waxayna ka hortagi doonaan waxyaabaha maanka dooriyo ee Muqdisho lagu isticmaalo gaar ahaan hoteelada.
Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Xalane ayaa sheegay in ciidamadaasi ay ka shaqeyn doonaan guud ahaan waxyaabaha diinta Islaamka ka hor imaanaya, iyagoo diirada saaraya hoteelo an la carabaabin oo Muqdisho ku yaala.
Dhawaan ayaa ciidamada amaanka dowlada waxay gacanta ku dhigeen waxyaabo badan oo maanta dooriya kuwaasi oo qaarkood halis ku ahaa amaanka caasimada sida uu sheegay xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]