27.5 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Isbitaallada Madiino iyo Banaadir oo Gubtay..!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xalay fiidnimadii dab ka kacay isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa sababay inuu qabsado qeybta keydka dawada ee isbitaalkaasi, kaasi oo la sheegay inaan la ogeyn waxa sababay dabka.

Dabka qabsaday bakhaarada keydka dawada ee Isbitaal Banaadir ayaa sababay inuu basbeelo mid kamid ah bakhaarada keydka dawada ee isbitaal Banaadir oo dad badan lagu daweeyo.

Maamulka Isbitaalka ayaa sheegay ineysan ogeyn waxyaabaha sababay dabka uu halkaasi ka kacayo, balse waxay xaqiijiyeen in khasaaro nafeed uu ka dhashay dabkaasi.

Gaadiidka dab damiska maamulka gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay iney damiyaan dabka waqti dambe.

Dhinaca kale waxaa salaadii subax ee saaka dab uu ka kacay isbitaalka Madiino ee magaalada Muqdisho, kaasi oo la sheegay inuu qabsaday qeybta Qaliinada lagu sameeyo.

Mid kamid ah qolasha qaliinada lagu sameeyo iyo agabkii yaalay ayaa la sheegay iney dabka ku gubteen.

Waxaa loo badinayaa dabka ka kacay isbitaal Madiino in koronto uu ka dhashay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News