Muqdisho (Caasimada Online) – Weerar ismiidaamin ah ayaa waxa uu goordhow ka dhacay Garoon ku badda cagta lagu ciyaaro oo ku yaalla Koonfurta Dalka Ciraaq.
Weerarka ayaa dhacay xili garoonka uu ahaa mid aad u camiran islamarkaana dadku ay ahaayen kuwo faraxsan oo kala taageeraayay labada Koox oo ay cayaarta u dhexeysay.
Weerarka ayaa waxaa ku dhinta ilaa 30 ruux, halka dhaawacana uu gaaray 62 ruux oo shacab ah.
Qaraxa ayaa dadka qaar ku tuuray meelo fog, waxaana banaanka sare ee Garoonka laga soo qaaday dhaawacyo iyo meydad dhowr ah.
Dhanka kale, Saraakiisha amaanka ayaa sheegay inuusan jirin Qarax lamid ah kan iminka dhacay oo lagu weeraray Garoon ciyaaro.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

