Qaahira (Caasimada Online) – Diyaarada EgyptAir oo laga leeyahay dalka Masar ayaa la afduubtay waxaana lagu qasbay iney ka degto jazeerada Qubrus, kadib markii wadahada diyaarada lagu amray inuu diyaarada weeciyo.
Diyaarada ayaa duulimaadkeedi ahaa Alexandaria ilaa Qaahira, balse waxaa laga dajiyay garoonka diyaaradaha Larnaca ee jazeerada Qubrus.
Mid kamid ah dadka diyaarada la socday ayaa la sheegay in waxyaabaha qarxa ku xirnaayeen kaasi oo afduub ahaan diyaarada ku qasbay in laga dajiyo garoonka diyaarada Larnaca ee jazeerada Qubrus.
Ku dhawaad 81 ruux ayaa diyaarada saarnaa, waxaana wadaha diyaarada oo la hadlay warbaahinta uu sheegay in lagu amray weecinta diyaarada.
Saraakiil ka tirsan shirkada Diyaarada Masar ayaa sheegay in dadka diyaarada saaran ay badqabaan, ayna socdaan wadahadalo u dhaxeeya dadka afduubta geystay iyo shirkada, iyadoo aan la ogeyn tirada dadka wax afduubay.


