27.7 C
Mogadishu
Thursday, May 14, 2026

Jawaab: Qoraalkii Yuusuf Garaad ee G/Banaadir

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Markaan arkay maqaal uu Yusuf Garaad soo dhigay Face-book-iisa, oo la magac baxay marti mise muwaadin, ayaa waxay igu khasabtay in aan ka jawaabo.

Waa run in mar walba xaqiiqda laga run sheego, sida maskaxda saliimka ahi ay qabto. Waxaan jeclaan lahaa in Yuusuf aan u bayaansho in ay haboon tahay in dhaliilaha uu tabanayo ay noqdaan kuwaa dadka oo dhan ay u siman yihiin. Yusuf wuxuu mar walba afka goosta Oday dhaqameedyada Hawiye, kuwa reer Puntland iyo Soomaali-land oo mar walba ku hadla wax lagu yaq-yaqsado waa ka gaabsadaa.

Odayaashaan waxaan u arka in ay xaqa iftiimiyeen. Yusuf dadka si siman u dhaliil haddii aad wax tabanaysid. Wax ka sheeg waxa ka socda magaaladii aad ku dhalatay ee Kismaayo iyo xaqdarada ka socota, waliga kama aadan hadlin.

Yusuf, waligiis kama hadlin markii la yiri Gobolka Benaadir xaq kuma laha aqalka sare, wuxuuna mar walba ka damqadaa dad uu ogyahay in ay wadaan sadbursi, fadlan nala eega maqaalada Yuusuf uu qoro oo si fiican ugu kuurgala.

Waa sax in mawaadin kasta oo soomaali ah in meesha uu deggan yahay uu helo xaqiiqsa, wax dooran karo, lana dooran karo, laakiin waa goorma, waa markii ay jirto caddaalad iyo sinnaan u dhaxaysa ummaadda Soomaaliyeed iyo dastuur kala saari kara ummaadda Soomaaliyeed. Waqtigeedii lama joogo.

Waxaan ku xasuusinayaa, in Mr. Cabdulcaziz Nuur Xirsi, oo Awrtable Daarood u dhashay Xamar, ama Muqdisho laga dooran jiray, iyadoo lagu doortay halgankii uu mar walba la safnaa shaqaalaha Soomaaliyeed iyo Ardayda 1964. Waqtigaas waxaa jiray kala danbays iyo dastuur la tixgeliyo.

Odayaasha Hawiye, waxay sheegeen in dadka ku nool gobolka Benaadir ee ka badan saddaxda Milyan, kana tira badan laba maamul goboleed in ay xaq u leeyihiin in Maamul ay dhistaan sida Gobolada kale, taasi ma dad ayay wax u dhibtay, ama u dhibaysaa. Mise waxay diidaysa ama wax u dhibaysa in Xamar ay Caasimaad noqoto. Macanaha Caasimaada ma ahaan dad ka badan 3 milyan in ay waayaan xaqooda, ama ay noqodaan ‘Second Class citizens’.

Fadlan ka fiirso, hadalada aad odayaasha Hawiye, iyo dadka Gobolka Muqdisho ku nool oo aad wax ugu dhibaysid, iyo wax ka sheegidda dadka iftiiminaya xaqa ummadi leedahay. Odayaashaani waa kuwii u bareeray in ay daafacaan dadka Gobolka ku nool markii loo soo kiraystayEthiopian iyo xulafadooda, xabsina ay u galeen. Waxaan ku oran lahaa taariikhda dib u raac.

Gobolka Benaadir, wuxuu ka mid yahay 8dii Gobol ee Soomaaliyeed ka hor 1969, wuxuuna Art. 127 ee dastuurka qorayaa in ay ka mid tahay 18ka Gobol. Dadka ku nool Goboka Benaadir ku nool ma ahan ‘Second Class Citizens’ waxayna mudan yihiin in ummadda Soomaaliyeed ay ku amaanto sida waddanimimada iyo taakulaynta ee ay mar walba la daba taagan yihiin Dowladda Soomaaliyeed. Gobolka Benaadir waa meesha keliya ee laga masruufo Ummadda Soomaaliyeed.

NB: Waxaan xasuusi lahaa Yusuf Garaad, in uu Kismayo uu ku dhasho uusan habeen seexan karin, Garoowe iska sharixi karin, Hargaysa iska sharixi karin, marka Yuusuf waa kula qabaa in qof kasta ee Soomaali ahi in uu helo xuquuqdiisa, laakiin waa goorma.

Maqaalkaaga wax xal ah ma aadan keenin, qofka aqoon yahanka ah, waxaa lagu yaqaana in marka uu thesis keeno, ku xijiyo analysis, kuna khatimo synthesis, intiiba lagaama hayo.

Waxaan ku khatimaya in warbixintaan in Garaad iyo Jeelle ay yihiin mataano ku midoobay xagga Siyaasadda ee laga quudiyo Puntland iyo meelo lagu majaxaabiyo wax kasta ee dan u ah ummadda Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Read more

Local News