31.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Aqriso: Qaar ka mid ah qodobada uu Cabdi Weli Gaas ku bedeshay aqbalaada 4.5 oo uu diidanaa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay maamulka Puntland, ayaa aqbalay nidaamka 4.5 oo ku dhawaad Seddex bil ay diidanaayen, iyaga oo taasi badalkeeda dalbaday Hab deegaan.

Warar dheeraad ah oo aan ka heleyno qaabka uu Heshiiska u dhacay, ayaa sheegaya in Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid uu soo dhaweeyay dhammaan qodobadii ay soo bandhigtay Puntland, walow ay jireen qodobo dhowr ah oo uu ku gacanseeray Sharmaarke.

Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke waxa uu saxiixi doonaa dhammaan shuruudihii ku xirnaa aqbalida 4.5, iyadoo hadda lagu mashquulsan yahay kulankii heshiiskaasi lagu soo bandhigi lahaa laguna kala saxiixan lahaa.

C/wali Gaas, waxa uu sheegay inay aqbalayaan Nidaamka wax ku qaybsiga habka qabiilada ee 4.5 loo yaqaano kaas oo ay horay u diiden reer Puntland, waxa uuna taasi badelkeeda dalbaday in la dhaqangaliyo shuruudaha uu wato.

Sida aan qoraalkeena hore ku sheegnay Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid waxa uu diiday in Caasimadda Soomaaliya Muqdisho laga wareejiyo Xarunta Baarlamaanka Somalia.

HOOS KA AKHRISO QODOBADA LAGU HESHIIYAY

1-Maamulka Puntland in heshiis heer caalami ah uu la gali karo Shirkadaha heerka caalami ah gaar ahaan kuwa ku xiran Kheyraadka.

2-Maamulka Puntland inay heleyso dhaqaalaha Beesha caalamku ay ku bixiso magaca Somalia, islamarkaana ay meesha ka bixi doonto in Puntland deeqdaasi loo soo mariyo DFS.

3-In DFS ay dib u fuliso dhammaan Heshiisyadii ay horay ula gashay Dowlada, ee ku xirnaa danaha gaarka ah ee Puntland.

4-In DFS aysan ka weecan karin Heshiisyada iminka la kala saxiixanaayo.

Dhanka kale, waxaa jira qodobo kale oo muhiim ah oo aan weli nasoo gaarin, kuwaasi oo hoos u dhigaaya awooda DFS, islamarkaana sara qaadi doona awooda Puntland.

Dadku waxa ay is weydiinayaan baahida keentay in DFS dhammaan shuruudahaasi ay u hirgaliso Puntland sida laba Dowladood oo Heshiis wada gaaraya.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News