26.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 17, 2025

Xog: Qorshaha Ethiopian-ka ee dekedda Berbera

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Ethiopia ayaa markii ugu horeysay ka hadashay ahdaaftaay ka leedahay dekada magaalada Berbera oo dhawaan ay fursad u heshay iney adeegsato.

Wasiirka gaadiidka ethiopia oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in sababaha keenay iney shaqada ka bilaabaan tahay  iney un yihiin waddooyinka ka baxa magaalada berbera.

“Sababtuna waa dhibaato ka timid awoodda iyo xaaladda dekedda Berbera, jidadka ku xidhaya Itoobiya oo aad u liita iyo weliba aqoonsi la’aanta caalamiga ah ee qarannimada Somaliland sheeganayso” ayaa uu yiri wasiirka gaadiidka Itoobiya Workneh Gebeyehu.

“Imika, Arrintaas runtii wada xaajood ayaa aanu ka galnay, waxa aan go’aansannay in aanu dhaqso ugu dhaqaaqno isticmaalka dekedda Berbera”

Laakiin wasiirka oo weli sii muujinaya dareenka uu ka qabo dekedda Berbera ayaa sheegay in aanay weli caddayn tirada Maraakiibta sida Shixnadaha Itoobiya ee ay dekedda Berbera awoodi doonto in ay halkii mar la macaamisho.

Wararka ayaa sheegaya in dowlada ethiopia dooneyso iney dekeda kala soo degto dhuxul dhagax, waxaase wali aan la ogeyn maraakiibta iman doonta dekada magaalada Berbera.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News