27 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Xog: Xasan oo Jawaari u xushay arrin xasaasi ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa lasoo warinayaa in Guddoomiyaha BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu u xilsaaray diyaarinta gudi la sheegay inay ka qeybqaadan doonaan diyaarinta Doorashada.

Wararku waxa ay sheegayaan in Gudigaasi ay sidoo kale si hoose uga shaqeyn doonaan ololaha Madxaweyne Xassan, waxa uuna gudigaasi ka kooban yahay ilaa dhowr xubnood oo u badan mas’uuliyiin xilal ka haya Xukuumada hadda jirta.

Gudiyada la dhisaayo ayaa waxaa Hogaanka u heyn doona Xubno ku dhow dhow Xassan Sheekh kuwaasi oo awooda ugu badan saari doona sida Madaxweyne Xassan looga dul-qaadi lahaa Culeyska Diyaarinta Doorashada iyo sida mar kale lagu gaarsiin lahaa Kursiga Qaranka.

Gudiyada Diyaarinta doorashada, ayaa qorshuhu yahay in qaab hoose ay u wadaan ololaha Madaxweyne Xassan oo ay ka go’an tahay in mar kale uu Kursigaasi ku dul nasto.

Madaxweyne Xassan ayaa ololihiisa bilaabay Hal asbuuc iyo bar ka hor, waxa uuna doonayaa in ololahaasi ay ku garbiyaan Xubno dhowr ah oo iminka Dowladiisa ka haya xilal.

Ma cadda sida uu xaalka noqon doono, waxaana jira dadaalo kale oo ay wadaan Musharaxiin dhowr ah oo olalahooda bilaabay Sanad iyo Bar ka hor.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News