25.1 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Sawirro + Xog: Heshiiska XASAN iyo Al-BASHIIR

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Khartoum (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Khartoum ee Xarunta dalka Sudan ayaa shir la qaatey dhigiisa Sudan Cumar Xassan Al-Bashir.

Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Cumar Al-Bashir, ayaa ka wadahadley xoojinta xiriirka labada dal , iyagoo ku heshiiyay dhismaha guddi heer wasiir ah oo ka shaqeyn doona arrimahaasi.

War ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Xasan Maxamuud ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu Al Bashir iyo shacabka Sudan uga mahad celiyay sida ay u garab istaageen Soomaaliya xilligii burburka, iyo waqtigan la joogaba, isagoo ka codsadey in la sii wado taageeradaasi.

Warbixinta waxa ay intaa kusii dartay in Xassan Sheekh uu dhigiisa usoo bandhigay in Soomaaliya ay sannadkan ka dhacayaan doorashooyin , taasina ay ka marag kaceyso, horumarka laga sameeyay dhanka dowlad dhisidda.

Xassan Sheekh ayaa ku jira olole Siyaasadeed si dib loogu doorto mar kale doorashadu lagu wado in ay sanadkan ka dhacdo dalka Soomaaliya.

Socdaalkiisa Sudan ayaa 80% lagu sheegay inuu yahay mid ku qotoma ololihiisa Doorasho, isaga oo Madaxweynaha Sudan u ballanqaaday arrimo dhowr ah waa haddii uu gacan ka geysto dib usoo laabashadiisa.

Al-bashiir waxa uu Xassan u ballanqaaday inuu kasoo dhex muuqan doono Dowladaha garabka siin-doona waxa uuna Xassan Ujeedka socdaalkiisa ahaa mid is biirsaday.

xassan-sudan-April2016-0

xassan-sudan-April2016-1

xassan-sudan-April2016-3

xassan-sudan-April2016-4

- Advertisement -

Read more

Local News