Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankaani ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia, kaasi oo u dhexeeyay Xildhibaano, Siyaasiyiin, Aqoonyahaano iyo waxgaradka kasoo jeeda dhulka Khaatumo.
Kulanka oo wakhti badan qaatay ayaa waxaa looga soo horjeeday go’aanka kasoo baxay shirka Madasha Qaran ee kusoo xirmay magaalada Muqdisho.
Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta kulanka isku arkay ayaa Cod dheer ku sheegay inuusan khuseyn haba yaraatee wixii kasoo baxay shirka Wadatashiga, waxa ayna sheegen in qodobadaasi ay yihiin kuwo u gaar ah DFS iyo Maamulada dalka oo aan ku jirin Khaatumo.
Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta ayaa sidoo kale kulankooda uga dooday Doorashada dalka ka dhaceysa 2016-ka iyo qaabka loo qaybsanayo xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka la dhisi doono, waxa ayna sheegen in saami qeybsigaasi uusan ka badneyn inta taageerto C/wali Gaas.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynihii hore Khaatumo, Maxamed Yuusuf Jaamac ”Indho-sheel” oo sheegay inay kasoo hor-jeedaan go’aannadii kasoo baxay Shirkii Muqdisho, ayna diidan yihiin, Isagoo xusay inaysan qodobadaas iyaga u cuntameyn.
Siyaasiyiinta, Aqoonyahaanada iyo Waxgaradka ayaa dhankooda ka sheegay in shirka Madasha lagu xaqiray Maamulka Khaatumo oo ka mid ah maamullada dalka, isla markaana xuquuqdii uu lahaa la duudsiiyay.
Xildhibaanada, Siyaasiyiinta, Aqoonyahaanada iyo Waxgaradka waxa ay si wada jir ah u shaaciyeen inay ka siman yihiin go’aanka ah inaan Khaatumo u cuntameynin qodobada kasoo baxay shirka.