Melbourne (Caasimada Online) – Dowlada Australia ayaa kulan ay ka qeyb galeen madaxda safaaradaha ajaaniibta ee ku yaala dalkaasi waxay codsi u dirtay dalal badan oo Soomaaliya ay kamid tahay, maadaama masuuliyiin Soomaaliyeed shirkaasi ay ka qeyb galeen.
Madaxda Soomaaliyeed ee ka qeyb galay shirka ka dhacay magaalada Melboune ee dalkaasi ayaa sheegay in Australia ay dooneyso iney tartan u gasho xilka xuquuqul insaanka Qaramada Midoobay ee sanadka 2018.
Yoonis Yaasiin Xaashi, oo ah qunsulka Soomaaliya ee dalkaasi ayaa sheegay iney Australia ka dalbatay iney ku taageeraan helida xilkaasi oo qofka loo doortaa uu heyn doono sanadaha 2018 ila 2020.
Masuuliyiinta dowlada Australia ayaa sheegay iney dadaal badan ugu jiraan sidii ay u qaban lahaayeen xafiiska xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay.
Dalka Austarlia ayaa waxaa degen qorbo joog badan oo Soomaaliyeed kuwaasi oo ku badan magaalada Melbourne ee dalka Australia.
Caasimada Online
Xafiiska Australia
[email protected]