25.9 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

XOG: GAAS oo heshiis cusub ku saxiixaya Addis

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/welli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa saxiixaya hishiis cusub oo u saxiixayo dowlada Ethiopia.

Madaxweyne Gaas ayaa warbaahinta u sheegay in hishiiskaasi uu kusoo saxiixo doono magaalada caasimada u ah Ethiopia ee Addis Ababa, uuna la saxiixan doono dowlada Ethiopia.

Hishiiskaasi oo aan faahfaahin dhab ah laga heyn ayaa waxa uu awood siinayaa dowlada Ethiopia oo haatan ciidamadeeda ay qeyb ka yihiin howlgalka AMISOM ee ka socdo dalka Soomaaliya.

Ethiopia ayaa saaxiib dhow la ah maamulka C/Welli Gaas, waxaana Gaas marar badan uu safaro ku tagay magaalada Addis Ababa oo looga yeeray.

Dhinaca kale waxaa xogaha la helayo kamid ah in Ethiopia uu u kala hadlayo hishiiskii dhawaan lagu kala saxiixday magaalada Muqdisho ee nidaamka doorashada dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News