Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray magaalada marko ee xarunta gobolka Shabellaha Hoose, ayaa sheegaya in Caawa uu halkaasi ka soconaayo Dagaal xoogan.
Dagaalka ayaa waxaa la soo warinayaa in Hubka culus leysu adeegsanaayo.
Dagaalka Xoogiisa ayaa waxa uu xiligaani saameyn ba’an ku yeeshay Xaafadaha Buulo Jaan,Buufoow iyo Ayuub oo Magaalada Marka ka wada tirsan.
Dadka deegaanka ayaa wadnaha farta ku haya waxaana lasoo sheegayaa in magaalada ay kusoo dhacayaan Hub waaweyn oo habow ah.
Dadka ayaa cabsi ka qaba in rasaasta ay guryahooda ugu tagto, waxaana xiligaani socda barakac ay sameynayaan dadka xaafadahaasi ku nool.
La soco wixii kusoo kordha dagaalka wararkeena danbe
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]