Muqdisho (Caasimada Online) – Urur goboleedka IGAD ayaa markii ugu horeysay ka hadlay diidamada la sheegay iney diideen in muwaadin Soomaaliyeed laga dhigaa xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD, kaasi oo ahaa dalab ka yimid madaxweyne Xasan Sheikh.
Maxamed Cabdi Afeey, wakiilka IGAD ee Soomaaliya ayaa sheegay ineysan jirin wax qoraal ah oo gaaray xafiiska IGAD oo lagu dalbanayo in muwaadin Soomaaliyeed laga dhigaa xoghayaha guud ee IGAD.
Afeey ayaa barta uu ku leeyahay Twitter-ka ku sheegay ineysan jirin wax qoraal ah oo kasoo gaaray dhanka madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo doonayay in bisha July kadib shaqsi Soomaaliyeed loo dhiibaa xilka xoghayaha guud ee IGAD.
Hadalkiisa ayaa waxa uu ku soo beegmay, iyadoo ay dhawaan soo baxeen Warar sheegayo inay Dowladaha xubnaha ka ah IGAD laaleen Qoraal uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku magacaabay Xasan Kheyre oo ah Muwaadin Somali Norwegian, si uu xilka Xoghayaha Guud ee IGAD ugala wareego Mas’uulka haatan haya Xilkaasi, Maxbuub Macallim.
Xoghayaha Guud ee IGAD, Maxabuub Macallim oo ah Siyaasi ka soo jeeda Soomaalida deggan Kenya waxa uu qorshuhu yahay inuu xilka ka dego bisha July ee sannadkan.
Kulankii 45-aad ee Golaha Wasiiradda Arrimaha Dibedda IGAD oo bishii July ee sannadkii 2012-kii lagu qabtay magaalladda Addis Abebaba ayaa mar labaad loo cusbooneysiiyey xilkaasi oo uu haatan hayo muddo 8 sanno ah.
Xilalka Sare ee Urur-gobaleedka IGAD ayaa u muuqda mid ay isku soo koobeen 2 Dowladood oo ka mid ah Dowladaha xubnaha ka ah Ururka IGAD oo muddo hataan laga joogo 30-sanno ka hor lagu asaasay Shir-madaxeed ka dhacay dalka Jabuuti.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]