26.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Weerar ka dhacay Ethiopia oo lagu dilay 140 qof

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –Wararka ka imaanaya dalka Ethiopia ayaa sheegaya in Koox aad u hubaysan ay weerar culus ku qaaden dad ku sugnaa deegaanka Jakawa ee ismaamulka Gambella.

Weerarka oo ahaa mid culus ayaa waxaa lasoo warinayaa inay ku dhinteen ilaa 140 qof.

Dowlada Ethiopia ayaa shaki ka qabta in weerarkaasi ay fuliyeen Ciidamo taabacsan Dowlada South Sudan, waxaana sidoo kale jira warar kaasi ka duwan oo sheegaya in weerarkaasi ay fuliyeen Ciidamo ka tirsan kuwa Ethiopia.

Wasaarada Warfaafinta Ethiopia ayaa sheegtay in ciidamada Millitariga Ethiopia ay ku guda jiraan hawlgal ka dhan ah kooxdii weerarka ka danbaysay iyadoo wasaaradu sheegtay in ciidanku uu talaabo ka qaaday 60 katirsan kooxdii weerarka gaysatay.

Dowlada Ethiopia ayaa aad uga walaacsan tirada ku dhimatay weerarkaasi, waxaa iminka socda baaritaan xoogan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News