Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaayo warar sheegaya in Wakiilka IGAD ee Somalia Maxamed Cabdi Afey uu wado qorsho cusub oo uu IGAD uga iibinaayo Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia C/wali Sheekh Axmed.
Afey ayaa waxaa qorshahaasi la daadihinaaya Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo isagu doonaaya in C/wali Sheekh Axmed uu safka hore kasoo galo Musharaxiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimo ee Somalia.
Shirar gaar gaar ah oo ay isku arkeen Maxamed Cabdi Afey, Axmed Madoobe iyo C/wali Sheekh Axmed, ayaa waxaa go’aan mideysan lagu gaaray in C/wali Sheekh ilaa iyo xad la gaarsiiyo doorashada.
Waxa ay isla qaada-dhigeen halka looga raadin lahaa miisaaniyada, waxa ayna isla garteen in loo maro Dowladaha Kenya, Ethiopia iyo Ururka IGAD.
Afey ayaa wada dadaalo kala duwan oo IGAD looga iibinaayo C/wali Sheekh Axmed, inkastoo aan la garankarin halka uu biyo dhiciisu noqon doono.
Si kastaba ha ahaatee, Ex Ra’isul wasaare C/wali Sheekh ayaa ku kala indha qaaday mudada kooban ee uu hayay xilka, wakhtigaasi oo uu soo galay Siyaasada dalka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]