27.5 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Waxaa la doortay gudoomiyaha baarlamaanka…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Caabudwaaq (Caasimada Online) – Magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud waxaa maanta ka dhacday doorasho la sheegay in lagu doortay gudoomiyaha baarlamaanka maamulka loogu magac daray maamulka Bakool sare.

Wararka aan ka heleyno degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in doorashada gudoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi ay u tartameen labo musharax, waxaana dhismaha maamulkaasi wada odayaasha dhaqanka ee waqooyiga gobolka Galgaduud.

Qorshaha doorashada maamulkaasi iyo dhismihiisa ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ka socday deegaanada waqooyiga gobolka Galgaduud, waxaana odayaasha dhaqanka ay doonayaan iney ku dhistaan beel ahaan maamul ka madax banaan Galmudug.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa la sheegaya in ay u tartamayaan laba shaqsi oo jooga dagmadaasi kuwaasi oo lagu kala magacaabo Faarax Jaan go’an iyo Xareeri xasan Bare .

Wararkii ugu dambeyay ee halkaasi ka imaanaya ayaa sheegaya in gudomiyaha baarlamaanka loo doortay xareeri Xasan Bare.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News