27.2 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Maxaa kasoo kordhay dilalkii haweeney 80 jir?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xalay iyo waaberigii shalay waxaa dilal kala duwan ay ka dhaceen magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, waxaana dilalka ugu badan loo geystay haweenka kala duwan.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay iney qabteen ku dhawaad shan ruux oo looga shakiyay iney ka dambeeyaan dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Dharkeynleey.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in dadka lagu tuhmayo dilalka ka dhacay magaalada Muqdisho ay gacanta ku hayaan laamaha amaanka ee gobolka banaadir.

Cali Xersi Barre Cali Gaab taliyaha ciidamada booliska gobolka Banaadir oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in lasoo qabtay dhamaan dadkii lagu tuhmayay dilalkii loo geystay ku dhawaad seddex haween ah iyo dhaawac loo geystay gabar kale.

Taliye Cali Gaab ayaa sheegay in dadka la qabtay ay ku socdaan baaritaano ay sameynayaan laamaha amaanka ee gobolka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News