Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya dhanka Siyaasiyiin saaxiib dhow la ah Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia ayaa kusoo waramaaya in labadaasi mas’uul ay isku fahmi la’ yihiin in qaabka loo shaacin lahaa Ololaha Doorasho.
Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa doonaaya in arrinta Ololah laga dhex shaaciyo BFS, islamarkaana Xildhibaanada lagu wargaliyo inay xod-xotaan Odayaasha iyo Maamulada ay kasoo gali doonaan dhanka Baarlamaanka.
Xassan Sheekh waxa uu qabaa in BFS uu yahay ahmiyada ugu weyn, bacdamaa iyaga kala bar ay soo laaban doonaan, ayna mudan tahay in laga sameysto waji si doorashada looga helo garab Siyaasadeed.
Sharmaarke ayaa qaba in Musharax waliba uu si hoose u wato ololihiisa, maadaama Baarlamaanka jira uu burburaayo, waxa uuna qabaa haddii arrintaani laga hor shaaciyo Baarlamaanka ay sababi karto in musharax waliba sirtiisa lagu sameeyo caqabado ka hor istaagi kara in guul uu gaaro.
Is jiid-jiid Siyaasadeed kadib Labada mas’uul ayaa isla gartay in Xildhibaanada hadda jira qaab hoose loogu sameeyo casho loona sheego in labada mas’uulba ay u taagan yihiin qabashada xilka madaxtinimo.
Madaxweyne Xassan iyo Cumar C/rashiid oo ay kala wataan dowlado dano Siyaasadeed ka leh Somalia, ayaa midba midka kale isku dayaaya inuu ka lumiyo jihada rajada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

