Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa iminka ku sugan magaalada Jidah ee dalka Sacuudiga, isaga oo halkaasi kulamo kala duwan kula qaadanaayo Madaxda dalkaasi.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ku guda jira ololihiisa Madaxtinimo, ayaa waxa uu halkaasi kulan aan caadi aheyn kula qaatay Madaxweynaha Bankiga Horumarinta Islaamka Dr. Axmed Mazamed Almadani, waxaana lasoo sheegayaa inay kawada hadleen sida looga wada shaqeyn lahaa Hanaanka Siyaasadeed, Dhaqaale iyo in garab miisaan leh laga siiyo ololihiisa doorasho ee dhawaan uu ku qaban doono Madaxtinimada Somalia.
Almadani ayaa sheegay inuu soo dhawaynaayo Hay’ada Samadoon ee uu Sheekh Shariif madax ka yahay taas oo ka shaqaysa Arimaha gargaarka, wuxuuna u balan qaaday inuu gacan siindoono.
Hay’ada Samadoon, ayaa waxaa ku hoos qarsoon ololaha Doorashada Sheekh Shariif, waxaana xusid mudan in xiligaani Sheekh Shariif uu guul ka gaaray ololihiisa marka loo eego, ololaha uu la daala dhacaayo Xassan Sheekh.
Sheekh Shariif ayaa ololahaasi bilaabay muddo iminka laga joogo 2 sano, waxaana muuqaneysa in xiligaani uu heer gabagabo ka taagan yahay ololaha.









