26.5 C
Mogadishu
Monday, May 25, 2026

Sawirro: GAAS oo warshad hubka sameysa ku…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ku sugan caasumadda Ethiopia ee Addis Ababa ayaa shalay 19-April-2016 kormeer ku tegey warshadda hubka, Rasaasta, Gawaarida dagaalka iyo kuwa raaxada u samaysa dalkaas oo lagu magacaabo METEC IYO GAFAT.

Kormeerka ayaa Gaas waxaa ku wehelinayey Wasiirka Ganacsiga iyo Warsha Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle, wakiilka Puntland ee Ethiopia Mahad Faarax Gaas iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland oo kamid ahaa waftigaas.

Gaas ayaa soo dhaweyn loogu sameeyay xarunta uu booqday, waxaana goobtaasi ku qaabilay masuuliyiin sarsare oo katirsan maamulka warshadda iyo saraakiil ka socday wasaaradda gaashaan dhigga Ethiopia, isagoo uu kala hadlay sidii Puntland uga faa’iidaysan lahayd wax soo saarka warshaddaasi.

Dhinaca kale guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Dawladda Federaalka Ethiopia Dr. Rashiid ayaa qado sharaf soo dhoweyn ah u sameeyey Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, iyagoo qadada kadib wada qaatay kulan is xog-waraysi guud ah.

gg1gg2gg3gg4gg5gg6gg7gg8gg9

- Advertisement -

Read more

Local News