24.6 C
Mogadishu
Thursday, February 12, 2026

Arag sawirradii u dambeeyay ee laga soo qaaday muuqaalka iyo horumarka dekadda MUQDISHO

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sanadihii ugu danbeeyay kor u kac laga dareemaayay Dakhliga ka soo xarooda Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.

Dekadda ayaa waxaa kusoo xirta maraakiib aad u badan kuwaasi oo keena badeeco kala duwan, isla markaana halkaasi ka qaada alaabo kale oo loo iibgeyo wadamo kale.

Dowlada Somalia ayaa dhakhaalaha ugu badan ka hesha Dekadda Muqdisho, inkastoo sida loogu tallo galay aysan dhakhaalahaasi u mareyn.

Cali Maxamed Axmed oo kamid ah maamulka sare ee Dekadda oo ka warbixinaayay Kobaca dhaqaale ee Dekadda ayaa yiri ”Kobaca Furadada Xamar aad ayuu u kordhay, farqi weyn ayaana u dhexeeya, hadii aan eegno sanadkii 2011 dhaqaalaha furdada xamar ka soo xorooda waxa uu ahaa 17 Miliyan, halka Sanadkii 2012 uu ahaa 28 Miliyan oo la dhihi karo dakhligu wuxuu kordhay 65%”

”Sidoo kale sanadkii 2013 oo aan dhihi karno wuxuu ahaa sanadkii ugu Korarka Badnaa dakhligu waxuu ahaa 52 Miliyan, oo aan dhihi karno qiyaastii waxaa ku Korortay 85%, Sanadkii 2014 dhexdhexaad ayuu ahaa kobaca dakhliga ku soo xarooday Furdada marka loo eego Kobaca Adduunka laga sameeyo, waxaana soo Xarootay 58 Miliyan oo kadhigan in dakhligu uu kordhay 20%, Sanadka 2015 lacagta soo xarootay waxa ay aheyd 65 Milyan waxana ku soo kordhay Dakhli dhan 19% ”

Cali Maxamed Axmed, waxa uu sheegay in dakhliga Dekadda uu yahay mid marba marka xigta kasii kordhaaya halkii uu taagnaa sanadkii hore waxa uuna rajo ka muujiyay in dakhliga ceynkaasi ah uu mustaqbalka dhaw ku filnaan doono dalka oo idil.

Shaqaalaha iyo Ciidamada Dowlada ayaa gabi ahaan ku filan miisaaniyada bil waliba kasoo xaroota Dekadda iyo Garoonka Aadan Cadde, hayeeshee waxaa muuqata in DFS ay dhaqaalahaasi u weeciso Akoono qarsoon.
Dekada1

Dekada2

Dekada3

Dekada4

Dekada5

Dekada6

Dekada7

Dekada8

Dekada9

Dekada10

- Advertisement -

Read more

Local News