Hargeysa (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha dalka ethiopia, Haile Mariam Desalegn, ayaa fariin calus u diray maamulka Somaliland, kadib markii Somaliland ay ku dhiiratay Hakinta shaqooyinka Sirdoonka ethiopia u jooga deegaanada Somaliland ee wareejiya alaabaha iyo musaafurinta Oromada ka shaqeysata Hargeysa.
Fariintaani digniinta ah ayaa la sheegay in si gaar ah ay u taabaneysay Madaxweynaha maamulka Somaliland, Wasiirka arrimaha Gudaha, Taliyaha Booliska iyo Taliska Sirdoonka Somaliland oo loo arkay inay caqabada koowaad ku yihiin Basaasiinta ethiopia uga howlgasha deegaanada Somaliland, kuwaasi oo ku ganbada ka shaqeynta ”alaabta bedel” iyo shaqaalaha kale ee ka howlgala Hoteelada, Maqaayadaha iyo Goobaha lagu caweeyo.
Maamulka ayaa looga digay inay ku dhiiradaan inay soo musaafuriyaan Muwaadiniinta u dhashay ethiopia , oo dhawaan la faray inay isaga baxaan Somaliland.
Somaliland oo arrintaasi ka duuleysa ayaa iminka hakisay musaafurinta ethiopian-ka, waxa ayna taa bedelkeeda laba jibaartay eryinta Soomaalida kasoo jeeda Koonfurta Somalia.
Dowlada ethiopia ayaa ku taameysa in Mustaqbalka dhow ay madaxweyne maamul Goboleed ka noqoto Somaliland, iyada oo adeegsaneysa kuwa iminka ku dhex nool Somaliland ee barashada ugu jira Luqada iyo Siyaasada Somaliland.
Docda kale, deegaanada Somaliland ayaa waxaa iminka ku nool ethiopian kor u dhaafaya 5,000 kuwaasi oo qaarkood guursaay dumarka Somaliland, halka qaarna ay yihiin kuwa ka dhex shaqeysta deegaanada maamulkaasi.
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

