26.8 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Xog: Gaas oo ku wajahan Sacuudiga + Qorshaha

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo iminka ku sugan wadanka Ethiopia magaalo madaxdiisa Addis Ababa ayaa ku wajahan yahay dalka Sucuudiga.

Safarka madaxweynaha Puntland oo aan horey loo sii shaacin ayaa warrarku waxaa ay xusayaan inuu la xiriirka kulamo uu la qaadanayo qaar ka tirsan amiirada dalka Sucuudiga kuwasoo xubno ku dhow mundane Cabdiweli Maxamad Gaas kasoo shaqeeyeen.

Dalka Sucuudiga oo dagaal kula jira kooxaha xuutiyiinta ah ee dalka Yamen ayaa wayadii dambe dhisayey xulafo ka tirsan wadamada Islaamka kuwasoo badalkeeda la siinaya wadamadaas tageero dhaqaale iyo mid ciidan.

Dowalada Federalka madaxdeeda ayaa horey tageero dhaqaale uga heley wadanka Sucuudiga kadib markii xiriirka u jareen wadanka Iran oo gacansaar dhow la leh  dagaalyahanada xuutiyiinta kuwasoo ka dagaalama qaybo ka tirsan dalka Yamen.

Booqashada Gaas ayaa ku soo beegmeysa xilli wadanka Somalia ay ka bilaabtey olole siyaasyiinta Somalida ugu jirto tartanka doorashada madaxweynaha ee la filayo in dhacdo sanadkaan dabayaaqadiisa.

Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif oo kamid ah musharaxiinta u tartamaya xilkaan ayaa dhowaan booqasho ku tagey dalka Sucuudiga isagoo la sheegey inuu casuumaad ka heley madaxda bangiga Islaamka.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News