26.8 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Magaalada MARKA oo u gacan gashay hal qabiil

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Marka (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya u magacaabay gobolka Sh/hoose ayaa shaaciyay in magaalada Marka ay gacanta ugu jirto maleeshiyo beeleed degaankaasi xoog ku heysata muddo sanado ah oo aanay awood u lahayn inay galaan magaalada.

Guddoomiye ku xigeenka Amniga ee Maamulka degmada Marka oo uu magacaabay maamulka Koonfur Galbeed C/kariin Xuseen Dheere ayaa warbaahinta u sheegay inaysan wax awood ah u lahayn inay maamulka magaalada Marka, isla markaana mas’uuliyiintii Koonfur Galbeed u magacaabeen ay dib uga laabteen.

AMISOM ayaa sidoo kale hore uga baxday magaalada Marka, waxaana ciidamada beeleed ee ka taliya magaalada Marka la sheegay inay ka soo jeedaan beelo ku soo duulay degaanka.

Xaaladda dagaalada ka taagan Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa soo taagneyd muddo sanado ah tan iyo xiligii dowladdii KMG ahayd, waxaana dowladda Xasan Sheekh ay gebi ahaan ku fashilantay inay xaliso dhibaatada Gobolkaasi oo lagu daray maamulka Koonfur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Marka
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News