Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii ugu danbeeyay soo ifbaxaaya xogo muujinaaya in dib-u-dhac lagu sameyn doono xiliga la filaayo in dalka ay ka dhacdo doorasho taa oo ku beegan dabayaaqada sanadka aan ku jirno.
Xogaha aan heleyno waxa ay muujinayaan in doorashada la qaban doono sanadka soo socda ee 2017, iyadoo Dowlada hadda jirta ay xooga saareyso in Beesha Caalamka ay ka dhaadhiciso in wakhti yar loogu kordhiyo si dhismaha Baarlamaanka iyo Ololaha Dorashada wakhti ku filan loo siiyo.
Dowlada hadda jirta waxa ay wadaa ololo muddo hal sano ah loogu kordhinaayo iyada oo cuskaneysa qodobo macquul ah.
Shakigaani cusub ayaa xoojinaaya hadal dhawaan ka soo yeeray Gudoomiyaha BFS Maxamed Cismaan Jawaari oo sheegay in dastuurka dalka farayo xilliga la qabanayo doorashada, balse ay jiraan duruufo ka hor joogsan kara fulinta amarkaas dastuuriga ah.
Waxa uu sidoo kale Jawaari dhawaan yiri isaga oo shaki galinaaya dhicitaanka Doorashada “Doorashadu Waxay ku xiran tahay hadba sida xukuumadda ku soo diyaargarowdo. sidoo kale 10-ka september ayuu ku eg yahay waqtiga madaxweynaha iyo xukuumadda, marka taas macneheedu ma aha mar hadii la gaaro 20 bisha baarlamaan ma jiro, madaxweyne ma jiro, qaanuun la’aan baa la ahaanayaa, way sii wadanayaan shaqadooda ilaa iyo inta laga soo saarayo natiijada doorashada iyo baarlaanki cusbaa ee dhisi lahaa dowladda, marka taas waqti dheereysi ma aha, waxaa la raadinayaa xal looga gudbo marxaladan 2016 ayuu hadalkiisa sii raaciyay mr Jawaari”.
Hadalka uu adeegsaday Jawaari waxa uu u muuqdaa mid boqolkiiba boqol xoojinaya xogta sheegeysa dib u dhaca doorashadii loo balan sanaan bisha August 2016, sidoo kale waxaad moodaa in uu sii difaacayo doodaha iman kara mustaqbalka marka xaajadu kashifanto.
Shakigaani ayaa aad usii xoogeysanaaya kadib markii la wada arkay inaanu jiri wax dhaqdhaqaaq ah oo arrinka Doorashada ku xiran, markii laga soo tago Madaxda DFS oo Shacabka niyada ugu qaboojinaaya inay dhaceyso Doorasho.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

